Maalinta Tirakoobka Dadka Caalamka

tirokoobkaMuqdisho (NN) 12/07/2016

Shalay ayaa waxay ku beeganayd Maalinta Tirakoobka Dadka Caalamka guud ahaan.

QM ayaa kow iyo tobanka Luuliyo sanad walba u asteysay tirakoobka dadka caalamka.

Khaasatan sanadkaan waxaa maalinta tirakoobka oo shalay ku beegan loo asteeyay in looga hadlo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka heysta gabdhaha da’ yarta ah ee caalamka daafihiisa kala duwan ku kala nool.

Waxaa dad badan laga yaabaa inay isweydiinayaan iminka waxa ay yihiin dhammaan waxyaabaha saameynta kuyeesha noolasha gabdhaha da’ yarta ah caalamka oo idil.

Sidoo kale ayaa amuuraha ajendeyaasha ah waxaa qeyb ka ah sidii wiilasha iyo gabdhuhu u heli lahaayeen fursado siman oo dhanka nolosha ah gaar ahaan waxbarashada iyo shaqooyinka.

Waxaa aad laisugu heystaa da’da ay tahay in gabdhaha lagu guursado; ma 9 jirbaa? Ma 18 jirbaa?

Maxay tahay ayadoo la ogsoon yahay in caalamka intiisa badan uu ku andacoonaayo in da’da 18 jir wixii ka yar ay carruur yihiin diinteena wanaagsan ee Islaamkuna dhigeyso in qof kasta oo gaara 15 sano jir uu yahay qaan gaar uuna noqon karo qof mukalif ah?

 

Comments are closed