Wefdi ka socdey IGAD oo gaarey magaalada Beledweyne

afeyBaladweyne (NN) 12/07/2016

Wefdi uu hoggaaminaayo danjiraha IGAD ee arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa maanta oo Salaasa ah gaarey xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne, sida uu saxaafadda u xaqiijiyey masuul ka tirsan maamulka Hiiraan.

Xil. Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadley BBC ayaa sheegay in wefdigu kulamo la qaadanayo Ugaasyada iyo oday dhaqameedyada, waxaana laga wada hadlaayaa dhismaha maamulka Hiiraan/Shabeelada Dhexe.

IGAD ayaa odoyaasha u sheegay in la dedejiyo dhismaha oo la isku daro labada maamul, halka odoyaashu ay sheegeen in la doonayo in Hiiraan laba gobol loo qaybiyo marka hore intaan la dhisin dhismaha maamul goboleedka sida u sheegay Xil. Goodax

Urur Goboleedka IGAD ayaa muddooyinkii danbe wadey dedaalo lagu dhamaynay khilafka ka taagan dhsamaha maamulaka Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, kaas oo DOwladdu ku fashilantey in ay xal ka gaarto.

Inta badan bulshada gobolka Hiraan ayaa diidan qaabka loo wado shimaha labada gobol, waxaana ay donayaan in Hiiraan ay si toos ah uga sii mid ahaato federaalka iyada oo aan maamul la dhisan Shabeelada Dhexe inta laga saxaayo waxay tabanayaan.

Comments are closed