Waxaa maalintii 3aad ka socda madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan kulan waynihii todobaadka qurba joogta DDSI. waxaana kulankaasi maanta hogaaminayay masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo sucaad axmed faara, wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudan khadar cabdi ismaaciil iyo wasiirku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Ibraahim mahad (sacab).
Haddaba kulan waynahan todobaadka qurba joogta DDSI oo si qoto dheer looga hadlay isbadaladii iyo soonyaalka taariikh ee uu soo maray deegaanka ayaa waxa ay maanta qurba joogta koox koox ah uga doodeen soonyaalka taariikheed deegaanka iyo dalka iyo waliba nidaamka federalism iyada oo loo kala saaray 5 group oo kala ah qaarada yurub, amerce, Africa, Australia iyo Asia.
Waxayna kooxahan halkaasi ku soo bandhigen dhibaatooyinkii hore uga soo jirayay deegaanka marxaladihii iyo isbadaladii uu soo maray iyo heerka uu hada marayo gaar ahaan dhinacyada horumarka nabadglayada iyo maamul wanaaga.
Comments are closed