Xaflad balaadhan oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday barxada wayn ee qaryaan dhoodaan ee xarunta deegaanka. Xafladan casho sharafta ah oo ahayd mid laba geesood ah ayaa waxa loogu talagalay in lagu soo xidho kalfadhigii 3aad ee golaha xildhibaanada DDSI islamarkaana lagu sagootiyo qurba joogta DDSI ee ka soo qaybgashay kulan waynihii todobaadka qurba joogta DDSI.
Xafladan casho sharafta ah ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinti xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,madaxwayne ku xigeenada DDSI, afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, golaha kabineega DDSI, xildhibaanada DDSI, qurba joogtan la sagootinayay, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo waliba marti sharaf kale.
Haddaba xafladan oo ay kooxaha fanka iyo suugaantu ku soo bandhigayeen heeso iyo dhaantooyin aad loola dhacay ayaa waxaa ugu horayntii lagu soo bandhigay dhukumantiri filim la hadlayay sidii ay ku aas aasantay kooxa alqushaash dhibaatooyinka ay ku hayaan bulshada iyo waliba sida ay uga been abuurayaan diinta islaamka dhukumantari filimkan ayaa si wayn uga qiiraysiiyay dadwaynihii ka soo qaybgalay xafladan. Dhanka kale intii ay xafladu socotay waxaa lagu soo bandhigay riwaayad kooban oo ka turjimaysa macnaha kooxdii gabalkeedu dhacay ee SSI iyo dabeecadihii ay la haayeen.
madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan ayaa makarafoonka ku soo dhaweeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka soo jeediyay khudbad uu kaga hadlay ujeedooyinka xafladan casha sharafta ah iyo dadaalada balaadhan ee ay qurba joogta DDSI ka wadaan dhamaanba qaaradaha aduunka. wuxuuna sheegay madaxwayne in day kaalin miisaan culus ku leeyihiin qurba joogta DDSI hirgalinta hawlaha horumarka iyo nabadgalyada ka hirgalay deegaanka.
Gabagabadii xafladan ayaa shahaadooyin sharaf la gudoonsiiyay qurba joogta ka kala socotay qaaradaha aduuna waxana gudiinsiiyay madaxwayna DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar waxaa kaalinta 1aad galay qurba joogt DDSI ee waqooyiga America, kaalinta 2aad waxaa galay jaaliyada Australia halka ay kaalinta 3aad gashay qurba jaaliyada DDSI ee UK
Comments are closed