Sanduuq loogu Talagalay Arruurinta Fikiradaha Qurbajoogta oo la dhigay Qaryaan dhoodaan

sawiro1Jigjiga (ESTV) 17 /06/2016

Waxaa Magaalada Jigjiga Xarunta dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Ku sugan Qurbajoogtii Abid ugu Badneyd ee Ka soo Jeeda Deegaanka oo ka Soo qeybgalay Xuska 7aadka qurbajoogta oo lagu Qabtay Magaalada Jigjiga.

Hadaba Waxaa Maanta Gudiyada Qurbajoogta Jaaliyadaha DDSI Ayaa kulan loogu Qabtay Hoolka Qaryaan Dhoondaan Waxaana ka Soo Qeybgalay Wasiir Kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane Bashiir iyo Waxaa kaloo Ka soo Qeybgalay Wasiir Kuxigeenka Madaxtooyda DDSI mudane Ibraahib Sacab.

Waxey Masuuliyiin taasi kulan la yeehsay Gudida Jaaliyadaha DDSI ku Wargaliyeen in Xukuumada dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ay diyaar u tahay in dhamaan Qurbajoogta DDSI ee ku sugan deegaanka Sanduuq loogu talagalay in dhamaan dhaliisha Xukuumadda DDSI iyo Fikirada wax-tarka leh in ay soo gudbiyaan Qurbajoogta ka kala timid 5ta Khaaradood ee caalamka.

Waxaa Arrinkaasi aad u soo dhaweeyay Dhamaan gudiyadii ka soo qeybgalay kulanka waxeyna balan qaadeen in ay wargalindoonaan Dhamaan qurbajoogta DDSI iyo Sifa la isku Xidhilahaa Xukuumadda DDSI iyo Qurbajoogta. Gudoomiyaha XDSHSI ee Waqoyiga America mudane Maxamed suldaan bade iyo Gudoomiyaha Scandineva Mudane C/casiis Seraar Xaashi ayaa warbaahita u sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan Sanduuqa waraqadaha si Toos ah madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar loogu gudbin.

Arrinka Sanduuqa ayaa ah arrin si dhib yar Madaxweynaha dawlad deegaanka somalida itoobiya shaqsi kasta kasoo jeeda deegaanka baahidiisa ugu gudbin waa arrin dilmuqraadiyad ku dheehan oo Caalamka kale ama geeska Afrika aysan haysan.

Ugu dambeyntii kulan kaasi ayaa ku soo gabagaboobay guul iyo farxad aad u laadhan

Comments are closed