Daawo Diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates oo dab qabsadey deg-degna ugu degtey Dubai -VIDEO

dubaDubai (ESTV) 03/07/2016

Diyaarad ay iska leedahay shirkadda duulimaadka ee Emirates ayaa si deg-deg ah ugu degtey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dubai kadib markii dab qabsadey.

Diyaaradda oo duulimaadkeedu ahaa Thiruvananthapuram (India)- Dubai ayaa dabku qabsadey si weyn xiligii ay degeysey, waxaana u gurmadey gawaaraida dab demiska.

Diyaaradda ayaa sidey 282 iyo 18 shaqaale ah xiliga ay ku degtey Garoonka, hay’adda hawada ee Dubai ayaa sheegtey in la soo badbaadiyey dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaaradda.

Lama oga waxa sababey dabkan qabsadey qaybta hore ee diyaaradda. Hawada ayaa ah mid aad u xun waxaana cirka isku shareeray dabaylo xooggan.

Garoonka Diyaaradaha ee Dubai ee caalamiga ah ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan ee caalamka.

Comments are closed