Shirkii Hoggaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta Muqdisho ka furmay

muqdishoMuqdisho (ESTV) 03/07/2016

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay shir ay isugu yimaadeen madasha ay ku mideysan yihiin madaxda Dowaldda federaalka iyo Hoggaamiyaasha maamul goboleedyada. Shirkan oo qorshihiisu uu ahaa in uu qabsoomo 20 -23 Luuliyo ayaa baaqdey, waxaana ajandihiisu ahaa in lagu soo afmeero geeddi socodka doorashada 2016.

Shirka ayaa soconaya muddo labo maalin ah, iyadoo warbixin looga dhageystay guddiga farsamada ee heer qaran, isla markaana waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga arinsanayo ay qeyb ka yihiin, in la dhammeystiro gudiyada heer dowlad goboleed ee doorashyooyinka ka dhimanaa.

Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseen Maxamad Odawaa oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in qodobada muhiimka ah ee shirka looga hadlayo ay qeyb ka yihiin warbixin laga sugayo guddiga khilaafaadka.

Waxaa wel-wel xooggan laga qabaa sida ay suurta gal u tahay in doorashadu xiligeedi ku dhacdo, waxaana la sadaalinayaa in Shirkan ay ka soo bixi doonto muddeyn cusub taas oo muujineysa in ugu yaraan 40 maalmood loogu darro xilka Dowladda hadda jirta maadaama muddeyntii hore  ay ka hasran tahayy wax ka yar 45 maalmood.

Qodobada shirkaan looga hadlaayo waxaa kamid ah:

  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)
  • Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka aay ka dhacayaan.
  • Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?
  • maghacaabista iyo Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka
  • Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn.
  • Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.
  • Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda
  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka

Beesha Caalamka ayaan weli bixin dhaqaalihii loogu talo galay doorashooyinka, waxaana ay wel-wel ka qabaan sida qaar kamid ah hoggaamiyaashu daacad uga yihiin fulinta go’aanadii la gaarey.

Comments are closed