Jasiiradda Nauru ee Badweynta Baasifikada waxaa ku sugan 1200 oo qof oo magangelyo weydiistey dalka Australia. Dadkaas ayaa ah kuwo si xun loola dhaqmey sida ay Amnesty ku eedeysey Australia.
Australia ayaa heshiis la gashey dalalka Naura, Papua Gini iyo Kaamoodiya, kaas oo dhigaayey in ay gargaar uga bedeshaan haynta qaxootiga Magangelyada weydiista.
Dadka qaxootiga ah ee Australia geystey Jasiiradaha ay heshiiska la gashey ayaan helin adeega caafimaadka, qaarkood waa la jirdilaa, halka haweenku aysan dariiqyada mari karin haddii aysan haysan cid ilaalisa, in badan oo kamid ah dadkaas ayaa la ildaran xanuunada Maskaxda, waxaana qaarkood isku dayaan in ay nafta iska qaadaan oo is-dilaan.
Australia ayaa sanadkii 2015 ugu deeqdey Jasiirada Nauru 294 milyan oo Dollar taas oo loo siiyey heshiiska qaxootiga, sida ay sheegtey Amnesty lacagtaas ayaa u dhiganta 340 000 oo dollar oo la siiyo qofkasta oo qaxooti ku ah Jasiirada sanadkaas, taas oo muujineysa in Australia dhaqaale uga baaqan qaxootiga ay ku dayaceen Nauru.
Qaxootiga ku sugan Nauru ayaa isugu jira dalalka Iran, Ciraaq, Pakistan, Soomaaliya Bangeledesh, Kuweyt iyo Afqaanistaan.
Comments are closed