Masuuliyiin Heer Deegaan ah Oo Booqday Mashaariicaha Gobolka Erer

Waangey Waangey (ESTV) 05/07/2016

masuuliyiin heer deegaan ah oo uu hogaaminayo wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan  oo ay ku wehelinayaan  qaarka mid ah masuuliyiinta Gobolka Erer ayaa booqday mashaariicaha waawayn ee laga wado  gobolka Erer.

Waftigan oo ay ujeedada booqashadoodu ahayd in ay u kuur galaan geedi socodka shaqo ee lagu hirgalinayo mashaariicaha horumarineed ee gobolka Erer, ayaa waxay ku horeeyeen mashruuca dhismaha buundada rasmiga ah ee waangay. Waxayna warbixin ka dhagaysteen masuuliyiintu   Enjineerada gacanta ku haya fulinta dhismaha mashruucan buundada waangay. Enjineerada ayaa  sheegeen in uu meel gabagaba ah marayo oo mudo bil ah lagu soo gabagabayn doono buundatan wayn ee rasmiga ah iyada oo ay bulshada iyo gaadiidkuba hadda sii adeegsadaan buuntadii ku meel gaadhka ahayd ee waangay.

Waangey Waxaa kale oo ka mid ahaa mashaariicaha ay masuuliyiintan booqdeen mashruuca jidka isku xidha Qubi iyo degmooyinka kale oo gobolka Erer kaasi oo samayskiisu meel fiican marayo. Waftigan oo sii watay booqashadooda ayaa waxa kale oo ay gaadheen mashruuca dhismaha buundada isku xidha degmada mayumuluqo iyo degmada fiiq oo la soo gabagabeeyay iyo waliba mashruuca biyo galinta mugwayn.

 

Comments are closed