Daawo Midowga Yurub oo isku khilaafsan xiriirka Dowlada Turkiga iyo EU-da

Ministers from German-speaking European countries take part in a news conference after a meeting in Balzers, Liechtenstein, August 5, 2016. Pictured are (L-R): Swiss Foreign Minister Didier Burkhalter, Luxembourg's Foreign Minister Jean Asselborn, Liechtenstein's Foreign Minister Aurelia Frick, German Foreign Minister Frank-Walter Steinmeier and Austrian Foreign Minister Sebastian Kurz. REUTERS/Roland Korner/Pool

Turkiga (NN) 06/07/2016

Dalalka Midowga Yurub ayaa weli isku khilaafsan in dib loo bilaabo wadahadalka u dhaxeeyey dalalka EU-da iyo Wadanka Turkiga kadib inqilaabkii fashilay ee Turkiga.

 

Qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub ayaa soo jeediyey in xiligan aan dib loo furin wadahadalkii u dhaxeeyey EU-da iyo Turkiga, kadib markii Dowlada Erdogan ee Turkiga lagu eedeeyey inay cadaadis xoogleh saartay dadka ay tuhunsan tahay inay ka danbeeyeen inqilaabkii fashilay iyadoo kumanaan militari iyo shacab ah xabsiyada la dhigay.

Dowlada Austria ayaa mooshin ay u gudbisay Midowga Yurub ka codsatay in la hakiyo dhamaan wada xaajoodkii u dhaxeeyey EU-da iyo Turkiga, balse waxaa arrintan kasoo horjeesatay dowlada Germany oo iyadu sheegtay in ay lama huraan tahay in lala hadlo dowlada Turkiga.

Wasiirada Arrimaha Dibada ee Midowga Yurub oo shalay ku kulmay magaalada Balzers ee dalka Liechtenstein ayaa ku heshiin waayey mooshinka uu soo gudbiyey wadanka Austria ee ah in xiriirka loo jaro Xukuumada Turkiga.

Germany ayaa ka cabsi qaba in wadahadalka Turkiga oo burbura uu keeni karo in markale Turkiga kusoo fasaxo qaarada Yurub kumanaan kun oo qaxooti ah. Eu-da iyo Turkiga ayaa bilowgii sanadkan ku heshiiyey in la xakameeyo qaxootiga ka imaanaya dhinaca Turkiga, taasi oo dowlada Turkiga ku bedalatay taageero dhaqaale, in Baasaboorka Turkiga dalalka EU-da fiiso la’aan lagu geli karo iyo bilowga mashruuca uu Turkiga mustaqbalka uga mid noqonayo Midowga Yurub.

Wadamada Midowga Yurub ayaa qaarkood cambaareeyey go’aankii uu Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan qaatay ee ahaa in uu xaalad deg deg ah kusoo rogay wadankaasi kadib inqilaabkii fashilay 15kii July, isla markaana kumanaan dad ah oo ay ku jiraan rayid iyo suxufiyiin loo xiray inqilaabkaasi ay isku dayeen qeyb kamid ah militariga Turkiga.

Xukuumada Turkiga ayaa dhankeeda jawaab adag siisay Midowga Yurub oo ay u sheegeen inaysan faraha lasoo gelin arrimaha u khaaska ah wadankaasi.

Comments are closed