Xaflad balaadhan oo lagu daah-furayay bilaabitaanka diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ayaa ka dhacay xarunta maamulka xaafada labaad ee caasimada jigjiga.
Xafladan oo ay soo diyaarisay wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah e DDSI, wasiirka cadaalada iyo xeer ilaalinta guud ee DDSI mudane CabdiJamaal Axmed Qolonbi masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga iyo marti sharaf kale.
Waxaana ugu horayn ka hadashay xafladaasi daah-furka maareeyaha wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI Marwo Aamin Ibraahin oo ka warbixisay ahmiyada ay leedahay diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah waxayna sheegtay in ay maanta si rasmiya deegaanka uga bilowday diwaangalinta xogaha muhiimka ah sida guurka, dhalashada, geerida iyo furitaanka/ama kala taga qoysaska.
Masuuliyiintii kale oo ka hadashay xafladan daah furka waxaa ka mid ahaa wasiirka cadaalada iyo xeer ilaalinta guudd ee DDSI mudane cabdiJamaal axmed Qolonbi iyo maayirka maamulk magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud kuwaasi oo sharax dheer ka bixiyay istaraatajiyada guud ee laga leeyaha diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah waxayna sheegeen in ay door muhiim ah ka qaadanayso hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee ka socdo deegaanka.
Comments are closed