Hogaamiyaha Khaatumo Prof.Cali Khaliif Galeyr ayaa shaaciyey in garabkooda iyo Somaliland uu u bilowday wadahadal, kaasi oo todobaadkii tagay ka dhacay magaalada Caynaba.
Wadahdalkan oo kadis ku noqday dadka sida weyn ugu ololeeya dhismihii maamulka Khaatumo ayaa waxaa cambaareeyey in badan oo kamid ah shacabkaasi oo qaarkood banaanbaxyo ku dhigay magaalada Buuhoodle.
Prof.Galeyr oo isagu horey usoo noqday Raysalwasaare xukumadihii KMG-ga ahaa iyo waliba xildhibaan dowlada Federaalka ayaa maalmahan ka gaabsanayey inuu saxaafada la hadlo, wuxuuna kulan shalay ka dhacay magaalada Buuhoodle markii ugu horeysay si rasmi ah u shaaciyey inuu jiro wadahadal ay la galayaan maamulka Somaliland oo uu horey u sheegi jiray inay la dagaalamayaan.
Waa markii ugu horeysay oo wadahadal rasmi ah dhexmaro xubno ka socda Khaatumo iyo Somaliland, walow marar badan horey loo sheegay inuu jiray wadahadalo dhanka Telefoonka ah oo dhexmaray madaxda Somaliland iyo Prof.Cali Khaliif Galeyr kuwaasi oo aan banaanka loo shaacin.
Comments are closed