Daawo Turkey: Malaayiin ka qeyb galay banaanbax lagu taageeray Erdogan

turkigaTurkiga (NN) 08/07/2016

In ka badan hal malyan oo qof ayaa Axadii shalay ka qeyb qaatay banaanbax balaaran oo ka dhacay magaalada Istanbuul, isu soo baxaasi oo lagu taageeraya Dowlada Turkiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Tayyib Erdogan.

Erdogan-banaanbax-istanbul-2

Banaanbaxan oo ahaa kii ugu weynaa oo dalkaasi ka dhaca tan iyo inqilaabkii la fashiliyey ee 15kii bishii July, ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay taageerayaasha xisbiyada Mucaaridka marka laga reebo xisbiga Kurdida ee HDP oo aan iyagu banaanbaxaasi lagu casumin.

Hogaamiyayaasha xisbiyada Mucaaridka ayaa sidoo kale loo ogolaaday inay halkaasi khudbado kasoo jeediyaan, waxaana ugu danbeyntii halkaasi khudbad ka jeediyey Madaxweyne Erdogan oo ugu mahadnaqay shacabka taageerada ay dowlada la garab taagan yihiin.

Erdogan-banaanbax-istanbul-3

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dhaqaaqi doonaan tilaabo walba oo ay shacabka codsadaan, arrintaasi oo la xariirta baaqyada kasoo baxaya shacabka wadankaasi oo codsanaya in dib loo soo celiyo xukunadii Dilka oo Turkiga laga joojiyey sanadkii 1984.

Madaxweynaha Turkiga ayaa si adag uga hadlay cambaareynta uga imaaneysa dhanka dalalka reer galbeedka gaar ahaan Midowga Yurub oo cambaareeyey xariga xukuumada Erdogan la beegsatay kumanaanka dadka lagu tuhunsan yahay inqilaabkii fashilay. EU-da ayaa sidoo kale sheegtay in Midowgaasi uusan kusoo biiri karin Turkiga hadii uu dib usoo celiyo ku dhaqanka xukunada dilka ah.

Comments are closed