Diyaaradaha dagaalka ee Sacuudiga ayaa dib u bilaabay duqeynta nawaaxiga magaalada Sanca ee caasimada wadanka Yemen.
Dhinaca Xuuthiyiinta ayaa iyaguna sheegtay inay dileen 4 ka tirsan ciidamada Sacuudiga kadib markii ay duqeyn madaafiic la beegsadeen xaduuda u dhaxeysa labada dal.
Dagaalka ka socda Yemen ayaa dib u bilowday kadib markii todobaadkii tagay uu burburay wadahadalkii nabada oo ay Qaramada Midoobay garwadeenka ka ahay oo ka socday dalka Kuwait.
Burburka wadahadalka ayaa sabab looga dhigayaa dhawaaqii kasoo yeeray dhinaca Xuuthiyiinta iyo Garabka Madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax oo sheegay inay wada dhisanayaan dowlad u gaar ah oo maamusha dhulka ay ka taliyaan.
Comments are closed