John Kerry oo Booqasho ku imaanaya Kenya Bishan

johanKenya (NN) 08/07/2016

Xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka John Kerry ayaa lagu wadaa in bishan gudaheeda uu booqasho gaaban ku yimaado magaalada Nairobi ,si uu wada-hadalo ku saabsan Amniga ula yeesho mas’uuliyiinta Kenya.

John Kerry ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madax ay ku jirto Aamino Mohamed oo ah wasiirka arimaha dibadda Kenya ,waxaana wada-hadaladan diiradda lagu saarayaa colaadaha gobolka gaar ahaan tan Koonfurta Suudan.

Booqashadiisi ugu danbaysay ee gudaha Kenya ayaa waxa uu madaxda dalka weydiistay in aan la xirin xeryaha qaxootiyada ee Dadhaab oo ay ku nool yihiin kumanaan Soomaali ah oo halkaasi u qaxay markii ay dagaalada sokeeye ka dhaceen Somalia.

Sidoo kale waxa uu isla waqtigaas madaxda dalka Koonfurta Suudan ugu digay khilaafaad-yo sababi kara dhimasho badan ,isaga oo ka codsday dhinacyada is-haya in ay dhisaan dowlad KMG ah oo xal u heli karta khilaafka u dhaxeeya Salva Kiir iyo Rich Machar.

Sanadkii 2015-ka John Kerry ayaa sidoo kale soo booqday Somalia markii ugu horeeysay ka dib muddo 20 sano ka badan oo xiriirka labada wadan uu ahaa mid aan cago badan ku taagnayn,taasi oo ka dhalatay askar Ameerikaan ah oo lagu dilay gudaha Somalia.

Ugu danbayn, booqashadan uu John Kerry ku imaanayo Kenya ayaa ahmiyad gooni ah u leh gobolka ,lamana oga in uu la kulmi doono madaxda Soomalida ,iyadoo dalka lagu wado in ay doorasho ka dhacdo sanadkan gudihiisa.

 

Comments are closed