Degmada Gaashaamo oo kullan lagu Xoojin Nabadgalyada iyo Maamulka Suuban

g1Jigjiga (ESTV) 08/07/2016

Waxaa magaalada Gaashaamo lagu qabtay shirweyne ay ka soo Qeybgaleen masuuliyiin Sare ay ka mid yihiin Wasiirka Xafiiska Arrimaha Bulshada Mudane axmed koore iyo Hogaan kuxigeenka Xafiiska Nabadgalyada iyo Cadaalada ee DDSI Mudane ibraahim Mubaarak.

g3Waxaa kaloo ka soo qeybgalay Bulshda ku dhaqan degmada Gaashaamo iyo Nawaaxigeda Waxaa hoolka shirar ka soo Buux dhaafiyay Waxgaradka odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada, hoo yooyinka,

g5Waxaa ugu Horeyn Shirakaasi daahfuray Mudane Ibraahim Mubaarak oo ujeedada Shirkan loo qabtay u sheegay Sidii Xukuumadda DDSI iyo Shacabka Degmada gaashaamo ay wadajir u xoojin lahaayeen Arrimaha Nabadgalyada Iyo Maamulka Suban iyo Sidii looga Hortagi lahaa Kooxaha Caadeystay ka ganacsiga Kontorbaanka ee Sharci darada ah

g2Shacabka Degmada ayaa soo dhaweeyey waxeyna Ballan qaadeen in ay ka hortagayaan Shaqsi kasta ku xadgudbaya sharciga dalka iyo deegaanka ayna soo wargalin doonaan laamaha Arrimaha ay quseyso

Ugu dembeyntii Shirkaasi ayaa wuxuu ku soo dhamaaday Guul iyo farxad wixii faahfaahin ah dib ayaan idinka soo wargalin doonaa

 

 

Comments are closed