Maamulka Somaliland ayaa markii u horeysey ka hadley wada hadalka ay la fureen Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, waxaana ay ku tilmaameen in ay ku faraxsan yihiin in Cali Khaliif dib u ogaado qofka uu yahay.
Saxardiid ayaa sheegay in wada hadalka dhankooda ay u metalayaan Madax dhaqameed iyo Wasiiro, waxaana uu yiri:
– Madaxweynaha Somaliland waxa uu wada hadalka u xilsaarey guuddi ka kooban Madax dhaqameed iyo Wasiiro, mawqifka uu qaatey Cali Khaliif Galaydh ayaa ah mid geesinimo, waxaana Somaliland u aragtaa guul siyaasaded, waana ku bogaadineynaa in Galaydh uu gartey in uu yahay Somaliland, weligoodna ahaayeen dad reer Somaliland ah, shalay iyo daraadna ahaayeen, maantana yihiin berina ahaan doonaa. ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somlaliland Saxariid.
Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hor iyo kaidb Khaatumo ku xiri jirey wada hadal ay la galaan Somaliland in ay ka horeyso in ay isaga baxaan dhulka ay xoogga ku haystaan ee Beesha Dhulbahante. Waxaa la is weydiinayaa natiijada wada hadal halka ay ku danbeyneyso, iyo in Cali Khaliif uu raaci doono Waddadii Xagla Toosiye oo horey u hoggaamin Jamhaddii maamulkii SSC.
Qaarkamid ah ciidamada difaaca ee Buhoodle ayaa si weyn uga soo horjeestey heshiiskan waxaana ay odoyaasha ka dalbadeen in Cali Kahliif deg-deg looga saaro Buuhoodle inta aysan ku khasbin in uu ka baxo.
Comments are closed