Saint Petersburg: Erdogan oo la kulmaya Putin

ruushkaRuushka (NN) 09/07/2016

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta ku soo dhaweeynaya magaalada Saint Petersburg, dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. 

Labada Madaxweyne ayaa isku dayaya in ay dib u hagaajiyaan xiriirka labada dal ee muddooyinkii danbe xumaa, isla markaana ay galaan heshiis cusub oo wada shaqeyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Erdogan ayaa booqashadiisa magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushku noqoneysaa middii u horeysey ee rasmi ah oo uu dibada ugu baxo tan iyo markii uu fashilmey Inqilaabkii Milterigu qaadeen 15 Luuliyo 2016.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaan la hadlin Erdogan muddo 6 bilood. Xiriirka labada dal ayaa aad u xumaadey kadib markii Turkigu soo rideen diyaarad kuwa dagaalka ah ee Ruushku lahaa taas oo ay ku eedeeyeen in ay ku soo xadgudubtey hawadooda, waxaana diyaaraddu ku dhacdey gudaha Siiriya xadka Turkiga iyo Siiriya bishii Nofeember 2016.

Shirka maanta ka dhacaya Saint Petersburg ayaa labada Madaxweyne doonayaan in ay khilaafkoodi dhinac iska dhigaan isla markaana wada shaqeyn cusub kala saxiixdaan.

Turkiga oo raaligelin bixiyey

– Waxaan rajeynayaa in wadahadalku ay bog cusub furi doonaan, xiriirka labadayada dal, ayuu yiri Erdogan ka hor inta aanu u duulin Ruushka.

Bishii Juun 2016 ayaa Turkigu si rasmi ah raaligelin uga bixiyeen diyaaraddii ay soo rideen, taas oo bilow wanaagsan u noqotey in xiriirku dib u soo hagaago.

Ajandaha maanta oo Salaasa ah shirkan looga hadlaayo ayaa u badan xiriirka ganacsi ee labada dal. Turkiga ayaa doonaya in Ruushku joojiyo xanibaadii ay saareen khudaarta iyo miraha ay u soo dhoofin jireen Turkiga. Lixdii bilood ee u danbeysey ganacsiga labada dal ayaa hoos u dhacay 60%, waxaana la aaminsan yahay in khasaaradda ugu badan ay soo gartey Turkiga.

Turkiga ayaa sidoo kale doonaya in la hagaajiyo dhaq-dhaqaaqa dalxiiska oo Turkigu ka heli jirey dhaqaale aad u badan dalxiisayaasha Ruushka Waxaa si weyn hoos ugu dhacay Dalxiisayaashii Ruushka ee tegi jirey Turkiga, waxaana lagu qiyaasaa in ay hos u dhacdey 90%.

Dhanka kale Putin ayaa doonaya in shirkan looga hadlo ganacsiga gaaska, iyada oo uu jirey qorshe la doonaayey in Turkiga la mariyo dhuumaha gaaska qaada, iyada oo laga soo gudbinaya Badda Madow kadibna loo gudbinayo Giriiga.

Waraysi uu malintii shalay bixiyey Erdogan ayuu ku sheegay in Turkigu soo dhaweynayo dhismaha dhuumaha gaaska qaada. Dalka Turkiga ayaa ka mid ah macaamisha ugu badan ee shirkadda Ruushka laga le yahay ee Gazprom marka laga yimaado dalka Jarmalka.

Saaxiibada cusub, cadowgii qadiimka ahaa

Shirka maanta ee Turkiga iyo Ruushka ayaa si weyn looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda. Xiriirka ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa xumaadey kadib isku daygii inqilaabkii fashilmey. Erdogan ayaa hadda doorbidaya in uu saaxiibtinimo dhaw la sameeyo Ruushka. Putin ayaa kamid ahaa hoggaamiyaashii sida adag u canbaareeyey Inqilaabkii Turkiga. Sidoo kale Putin ayaan wax eedeyn ah dusha uga tuurin Erdogan sida adag ee uu uga jawaabey Inqilaabkii 15 Luuliyo.

Comments are closed