50 kamid ah khubarada amniga ee Maraykanka oo ka digey Donald Trump

turupMareykanka (NN) 09/07/2016

50 kamid ahaa madaxdii ka soo shaqeysey Amniga iyo Sirdoonka Maraykanka isla markaana ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga ayaa ka digay Musharaxa Xisbigooda Jamhuuriga Donald Trump.

 

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen ayey ku tikmaameen qof khatar ku ah Maraykanka.

50 Sarkaal ee la soo shaqeysey laga soo bilaabo Madaxweyne Nixon ilaa W. Bush ayaa bayaankooda ku qorey joornaalka NY Times, waxaana ay ku sheegeen in Maraykanku khatar wajahayo haddii la doorto Donald Trump.

Jamhuuriyan ayaa sheegay in aysan u codeyneyn bisha Nofeember Donald Trump, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay u codeynayaan markii u horeysey Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton oo ay qudheeda dhaliileen laakiin ay sheegeen in ay beddel noqon karto marka la eego Trump.

Khubaradan sida weyn uga soo shaqeysey sirdoonka iyo amniga Maraykanka ayaa sheegay in Trump aanu lahayn khibrad hoggaamin, isla markaana ay ka maqan tahay qiimaha iyo sharafta Madaxweyne.

Waxay ku tilmaameen Trump beenlow, aan naftiisa kontrooli karin, kaas oo aan kala saari karin run iyo been.

Khubarada saxiixdey bayaanka lagu qoray New York Times waxaa kmid ah Tom Ridge iyo Michael Charoff waxay horey u noqdeen Wasiirada Amniga gudaha, sidoo kale waxaa kamid ah madaxii hay’adda CIA Micheal Hayden iyo madaxii hore ee hay’adda National Security Agency John Negroponte.

Comments are closed