Garoonka diyaaradaha Jigjiga ayaa lagu sagootiyay Madaxweynaha Somalia

DdsiJigjiga ( ESTV) 12/07/2016

Wafdiga Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa waxaa Maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga kusii sagootiyay Madaxweynaha Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Mas’uuliin kale iyo xubno ka tirsan Xukuumadda DDSi.

FB_IMG_1470996448152Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ku suganaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya, intii uu joogay ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi kula hadley odayaasha dhaqanka, hawlwadeenada iyo Shaqaalaha Rayidka ah ee deegaanka.

FB_IMG_1470998976445Xasan Sheekh oo munaasabaddan uu ku wehliyay Madaxweynaha Dowlada Degaanka Soomaalida dalka Itoobiya, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay horumarka ka muuqda deegaanka, isagoo intaas ku daray inuu aaminsan yahay in guulaha la gaarey ay sabab u tahay Wada-shaqeynta iyo isku duubnida shacabka iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan wuxuu xusay horumarka Geeska Afrika uu ku xiran yahay hadba sida looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida, haddii labadaas la helana ay jiri karto rajo horumar dhan kasta ah lagu gaari karo.

“Dalka wuxuu horumar la taaban karo ka sameeyay dhinaca amniga. Waxaa dalka lagu qabanayaa doorashooyin. Ciidammada Midowga Afrika oo Ethiopia ay ka mid tahay ayaana gacan weyn naga siiyay inaan Xasilloonida waddan ka shaqeyno. Waxaa labada waddan ka go’an inay bur-buriyaan shabakadaha argagixisada ee nolosha u diiddan dadyowgeena. Waxaan shacabka ka dooneynaa inay nagu taageeraan halganka aan ugu jirno inaan gobolkan uga dhigno mid la tartama caalamka intiisa kale,’’ ayuu Xasan yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in shucuubta labada Dal ee Somalia iyo Itoobiya ay dhinacyo badan iska kaashan karaan, loona baahan yahay in la dadajiyo barnaamijyada Suura-gelinaya iskaashi dhaqaale oo dadyowga Gobolka oo dhan ay ka faa’iideysan karaan.

Odayaasha-dhaqanka oo halkaasi hadallo ka jeediyay ayaa ku ammaanaye Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Soomaaliyeed Dadaalka ay ugu jiraan dib u dhiska Soomaaliya.

Dhanka kale, Wuxuu Madaxweynaha Smalia booqday Jaamacadda Jigjiga oo ay dhigtaan Arday tiradoodu gaareyso 21,000. Jaamacaddaan ayaa sidoo kale leh kulliyad Takhasus Afka-Soomaaliga ah.

Ugu dambeyn, Goobaha kale ee uu Madaxweynaha booqday waxaa ka mid ah goobaha ganacsiga, isagoo socod ku marey qeybo ka mid ah magaalada Jigjiga oo ay tahay markii ugu horreysay oo uu booqdo Madaxweyne Xasan la gudoonsiiyay dharka hiddaha iyo dhaqanka Somaliyeed uu gudoonsiyay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar booqashada Madaxweynaha Somalia ayaa ah mid Taariikhi Ah.

Comments are closed