Somaliland oo ka hadashey wadahadalkii ay la gashey Cali Khaliif Galaydh

somaliladHargeysa (nogobNews) 13/07/2016

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdullaahi Saxardiid ayaa BBC uga waramey halka ay marayaan wadahadalkii ay la fureen Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.

 

Wasiirka ayaa sheegay in wada hadalku meel wanaagsan marayo, muhimadda wada hadalkuna uu yahay sidii Cali Khaliif Galaydh iyo saaxiibadiis ay uga mid noqon lahaayeen maamulka Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in wada hadalku yahay sidii Cali Khaliif iyo saaxiibadiis ay Somaliland u aamini lahaayeen.

Saxardiid ayaa sheegay wada hdalkan kadib in ay beesha Dhulabahante weyne u qabanayaan shir ballaaran oo uu horey u iclaamiyey Madaxweynaha Somaliland, kaas oo ay ka soo qaybgalayaan Garaadada beesha Dhulbahante.

Waxaa dad badan is weydinayeen waxa laga wada hadlaayo waxa ay yihiin, ma in Somaliland ka baxdo dhulka ay Khaatumo ka haysataa mise waa sidii labada maamul u wada shaqeyn lahaayeen, maadaama Cali Khaliif Galaydh keligiis aanu lahayn in masiirka beeshaas oo dhan uu hoosgeeyo halka uu doono. Arrimahan ayaa waxaa soo afjarey Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo si cad u sheegay in wada hadalku yahay sidii ay uga mid noqon lahaayeen Somaliland. Cali Khaliif ayaa waraysi uu bixiyey maalmo ka hor aan meesha ka saarin in uu a mid noqon karo maamulka Somaliland.

Wada hadalka Somaliland iyo Cali Khaliif ayaa ka bilowdey degmada Caynabo ee gobolka Sool, waxaana Somalailand u xilsaartey ergooyin isugu jira Wasiiro iyo oday dhaqameedyo.

 

Comments are closed