Xaflad lagu daah furay iskaashatada kulmiye oo ah iskaashato ay ku midoobeen hogaamintii hore ee deegaank oo ay ka mid yihiin madaxwayne yaashii hore ee DDSI iyo xubo aqoon yahan ah ayaa ka dhacday huteelka Nogob ee magaalada jigjiga.
Waxaana ka soo qaybgalay xafladii lagu daah furay iskaashatadan kulmiye oo maanta la daah furay qaybteeda adeega caafimaadka xoolaha horena uga soo shaqayn jirtay dhinaca wax soo saarka beeraha masuuliyiinta iskaashatada kulmiye oo ay ka mid yihiin madaxwayne yaashii hore ee deegaanka, masuuliyiin ka socday xafiisyada DDSI ee ay bahwadaagta yihiin iskaashatadan iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha ka shaqeeya adeega caafimaadka xoolaha.
Haddaba waxaa ka hadlay furitaankii xafladaasi gudoomiyaha iskaashatada kulmiye mudane Khadar Macalin kana mid ah madaxwayne yaashii hore ee DDSI. wuxuuna sheegay in ujeedada xafladani tahay daah-furka iskaashatada kulmiye qaybteeda adeega caafimaadka xoolaha.wuxuuna ka warbixiyay ujeedooyinka iyo jihooyinka istaaraatajiyadeed ee loo aas aasay iskaashatadan taasi oo uu ku tilmaamay gudoomiyuhu in ay tahay sidii ay uga qayb qaadan lahayd dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto tayada xoolaha deegaanka maadaamo oo ay nolosha bulshada DDSI intooda badan ku xidhan tahay xoolaha nool, horumarinta xooluhu tahay gundhiga koboca dhaqaalaha iyo dhimista saboolnimada
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in iskaashatadan kulmiye hore uga shaqayn jirtay dhinaca wax soo saarka beeraha taasi oo guul wayn ka soo hoysay wax soo saarka calafka xoolah in maanta lagu soo kordhiyay qaybtan adeega caafimaadka xoolaha si ay ugu qayb qaatado tayada adeega caafimaadka xoolaha iyo wax soo saarka calafka xoolaha.
Khabiiro ka mid ah xubnaha iskaashatada ayaa ku soo bandhigay xaflada warbixin ay kaga waramayaan qorshayaasha, jihooyinka, hadafka iyo himilooyinka ay hiigsanayso iskaashadadan iyo wax ay ka soo kordhinayso dadaalada loogu jiro hirgalinta kobodha dhaqaalaha iyo tir tirida saboolnimada.
Comments are closed