Kabul: Hogaamiyaha Daacishta Afghanistan oo weerar duqeyn lagu dilay

kabulkabul (NogobNews) 13/07/2016

Wararka kasoo baxaya dalka Afghanistaan ayaa sheegaya in hogaamiyihii kooxda Daacish ee Afghanistan iyo Pakistan Xafis Sacid Khan uu ku dhintay weerar dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ka dhacday gobalka Nangarhar ee dalkaasi Afghanistan.

 

Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan Drone ee Maraykanka ayaa la sheegay inay duqeyn ay la beegsadeen 26kii bishii July lagu dilay hogaamiyaha Daacish iyo xubno sar sare oo ka tirsanaa Daacish.

Afghanistan-Kot

Weerarkan ayaa ka dhacay degmada Kot ee gobalka Nangarhar ee dalka Afghanistan una dhaw xaduuda dalka Pakistan.

Geerida hogaamiyaha Daacishta Afghanistan ayaa soo shaac baxday Jimcihii shalay kadib markii la sheegay in Maraykanka uu xaqiijiyey in hogaamiyahaasi lagu dilay duqeynta.

Kooxda Daacish ee Afghanistan ayaa ahaa garab horey uga tirsanaan jiray kooxdii Talibanka oo ku biiray ISIS, kooxdan ayaa bilihii lasoo dhaafay qaraxyo ka geysatay dalkaasi Afghanistaan ku dishay dad badan, waxaana jiray xiisad iyo dagaal u dhaxeeya Talibanka iyo Daacish oo ku loolamayey gacan ku heynta qeybo kamid ah dhulka buuraleyda ah ee Afghanistan.

Maraykanka ayaa sheegay in dilka hogaamiyahan uu dhaawac weyn u geysan doono hogaanka Daacishta afghanistan isla markaana ay dib dhac ku noqon doonto qorshahii ay kooxdaasi damacsaneyd.

Comments are closed