Hillary Clinton oo ah murashaxa xisbiga Dimuquraadiga Maraykanka ee doorashada Madaxweynaha iyo ninka u noqon doona kuxigeenka ayaa markii ugu horeysay shaaciyey Dhaqaalahooda iyo waliba inta ay la egtahay canshuurta ay bixiyaan, tilaabadan oo ah mid dhaqan u ah dhamaan murashaxiinta Madaxweynaha inay shaaciyaan kahor xiliga doorashada.
Tilaabadan ayaa ah mid sidoo kale ay Hillary Clinton culeys ku saareyso murashaxa la tartamaya ee Donald Trump oo isagu illaa iyo hada diidan inuu shaaciyo xogta inta ay la egtahay dhaqaalahiisa iyo waliba canshuurta uu ka bixiyo.
Comments are closed