Daawo IRAN & Turkiga oo ku heshiiyey inay ka wada shaqeeyaan xal u helida Siiriya – VIDEO

iranIran (NogobNews) 13/07/2016

Wasiirada Arrimaha Dibada ee IRAN iyo Turkiga oo kulan ku yeeshay magaalada Ankara ee caasimada Turkiga ayaa ku heshiiyey inay ka wada shaqeeyaan xal u helida dagaalada sokeeye ee ka socda dalka Siiriya iyo waliba la dagaalanka kooxda Daacish.

 

Dowlada Turkiga iyo IRAN ayaa horey isugu khilaafsanaa dagaalka Siiriya ayaa kala taageera xukuumada Bashar Al Assad oo gacan ka hela Iran iyo kooxaha mucaaridka oo intooda badan ku xiran Turkiga.

Xukuumada Turkiga ayaa hada dooneysa inay ay xooga saarto la dagaalanka kooxda Daacish ee ku sugan Siiriya, qodobkaasi oo ah mid ay ka mideysan yihiin dowlada IRAN iyo waliba Ruushka oo gacan siinaya xukuumada Bashar Al Assad.

Turkiga ayaa bilaabay inuu dib u hagaajiyo xiriirkii siyaasadeed iyo iskaashi ee uu lalahaa dowlada Ruushka kadib inqilaabkii fashilay ee 15kii bishii July, xukuumada Ankara ayaa si weyn u dhaliilsan wakhtiga dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka oo ah halka uu ku sugan yahay ninka ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyey isku daygaasi afgembi, Fattellah Gullen.

Wadahadalka u bilowday Turkiga, Ruushka iyo IRAN ayaa kusoo beegamaya xili ay dagaalo xoogleh ka socdaan magaalada Aleppo ee waqooyiga Siiriya halkaasi oo ay ku dagaalamayaan xoogaga mucaaridka ah ee gacanta ka hela Turkiga iyo ciidamada dowlada Bashar Al Assad ee taageerada militari ka helaya Ruushka & IRAN.

Comments are closed