Nin dalka Talyaaniga looga masaafurinaayo fariin uu ku qoray Facebook

talyanigaTalyaaniga (NogobNews) 13/07/2016

Nin ayaa dalka Talyaniga looga masaafurnayaa, kadib markii Boolisku ogaadeen in uu jacayl iyo taageero u hayo kooxda ISIS/Daacish.

 

Ninka la masaafurinaayo ayaa ah 26 jir u dhashey dalka Tuuniisiya, waxaana uu baraha bulshada ku qoray in uu taageersan yahay Mujaahidiinta weerarada ka geysta Yurub sida uu hadalka u dhigay, isaga naftiisa ahaana uu jeclaan lahaa in uu weeraro Minaarada Pisa.

Todobaadyadii u danbeeyey waxaa Talyaaniga laga masaafuriyey kuwo looga shakiyey in ay yihiin Jihaadiyiin, waxaana Talyaanigu ka yaabey in ay ka dhacaan weeraradii Farmnsiiska iyo Biljimka ka dhacay oo kale

Comments are closed