Daawo Ruushka oo Gantaalada S-400 ah ku rakibey gacanka Krim – VIDEO

ruushkaRuushaka (NogobNews) 13/07/2016

Ruushka ayaa gantaalada casriga ah ee S-400 ku rakibey gacanka Crimea ee ay kala wareegeen dalka Ukraine. Sidoo kale Ruushka ayaa ku hanjabey in ay Ukraine u goynayaan xiriirka Diblomaasiyadeed.

 

Dowlada Ruushka ayaa gantaalada difaaca cirka ee S400 geeyey jasiirada ay kala wareegeen dalka Ukraine ee Crimea xili halkaasi ay markale kasoo cusboonaatay xiisada ka taagan iyo dhaq dhaqaaqa militari.

Ruushka ayaa ku eedeeyey dowlada Ukraine in kooxo qaab jabhad ah u dagaalama ay keentay jasiirada Crimea kuwaasi oo burbur u geystay xarumaha muhiimka ah sida Korontada iyo Isgaarsiinta, weeraradaasi oo la sheegay inay fuliyeen sirdoonka Ukraine.

Militariga Ruushka ayaa todobaadkan dhoolatus weyn oo ciidamada bada ah ku sameeyey gacanka Crimea oo ay ciidamada badda Ruushka saldhigyo waaweyn ku leeyihiin, waxaana lagu soo waramayaa in jasiiradaasi lagu xoojiyey ciidamo horleh oo ka yimid Ruushka iyo waliba gantaalada lidka diyaaradaha.

Dhaq dhaqaaqa ayaa lagu soo beegmay maalmo kadib markii kulan dhexmaray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweyne Turkiga ee Tayyib Erdogan. Turkiga oo kamid ahaa isbaheysiga NATO ee sida weyn isha ugu haya dhaq dhaqaaqa Ruushka ka wado bada madow, wadankaasi Turkiga ayaa hada u muuqda inuu xiriir dhaw lasii yeelanaya Ruushka oo dhinaca kale dadaal ugu jira siduu uga gaashaaman lahaa awooda NATO oo saldhiyo cusub ka sameystay dalalka bariga Yurub.

Comments are closed