ISIS oo laga sii daayey dad ka badan 2000 oo qof oo ay afdub u haysteen

siriyaManbij (NogobNews) 13/07/2016

Xoogaga Kurdida iyo Carabta is bahaystey ee SDF (Syrian Democratic Forces) ee Maraykanku taageero ayaa la wareegay maamulka magaalada Manbij, kadib markii ay halkaas kula dagaalameen ururka ISIS.

 

Magaalada Manbij ayaa ku dhaw xadka Turkiga iyo Siiriya.

Afhayeen u hadley ciidamada jamhadda Kurdida iyo Carabta isbahaystey ee SDF ayaa sheegay in isbahaysigoodu ay la wareegeen magaaladaas, haddana ay ku mashquulsan yihiin sugidda amniga, saarida miinooyinka iyo waxyaabaha kale ee qarxa.

is-manbij-jpg

Dad ka badan 2000 oo qof ayaa laga si daayey gacanta ISIS kuwaas oo la aaminsan yahay in ay u haysteen in ay gabbaad ka dhigtaan iyo difaac, dadka laga siidaayey gacanta ISIS waxaa xaqiijiyey afhayeenka SDF oo la hadley reuters, dadkan ayey horey uga soo afduubteen magaalada Jarablus ee ISIS maamusho.

Comments are closed