Qurbaoogta Gobolka Erer oo Booqatay Degamada Xayoob Siweyn loogu soo dhaweeyay

yaxoob10Yaxoob (ESTV) 14/07/2016

Qurbajoog u dhalatay Gobolka Erer ayaa waxey Booqasho Ku tageen Gobolka Erer waxeyna soo kor meereen qaar ka mid ah mashaariicyada Gobolka laga hirgaliyay Qurbajoogta Ayaa waxaa hogaaminayay Ugaas xasan iyo Gudoomiye Kuxigeen jaaliyadda DDSI Ee wadanka Australia Mudane Sheekh xasan iyo Waqooyiga America iyo south africa.

yaxoob7Waxaana Wafdiga horkacayay Gudoomiyha Gobolka Erer Mudane Axmed Xaaji iyo Gudoomiyha Degmada Fiiq Mudane Cabdiqaadir iyo Madaxa Arrimaha Siyaasada Gobolka iyo Masuuliyiin kale. Xukumadda dowlad-degaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhawaan waxey ansixisay degmooyin cusub sifa loo balaadhiyo hormarka gobolka.

yaxoob8Qurbajoogta ayaa waxey Booqdeen degmada Cusub ee Gobolka Erer ee Xayoob waxaa halkaasi siweyn ugu soo dhaweeyay Shacabka Degmada Qurbajoogtan ayaa ah Qurbajoogtii ugu Horreysay ee Degmada Cusub ee Booqata markii shirweynihii qurbajoogta u soo xirmay.

yaxoob9waxey kulan kala qaateen Shacabka degmada Hoolka Shirarka Degmada Yaxoob Masuuliyiin heer gobol iyo Heer degmo iyo Qurbajoogta Waxey isla qaateen sidii qurbajoogta Gobolka Erer iyo gaar ahaan Degmada Yaxoob loo soo maalgashan lahaa taasoo ka banan Fursado maalgashi ah.

yaxoob14Gudoomiyaha Gobolka Erer ayaa Bulshda Degmada u sheegay in xukuumadda DDSI ay dhawaan ansixiyeen Miisaaniyada degmada Yaxoob 20-malyan oo Birr waxaa siweyn u soo dhaweeyay Shacabka degmada waxaa kaloo uu sheegay gudoomiyha Gobolka Erer in ilaa 300-qof iyo in kabadan Xukuumadda Ay shaqaaleyn doonto shacabka degmada looga baahan yahay dhamaan adeegyada ay xukuumadda ay ka fulineyso degmada ay ka faaideystaan.

sheekh xasanWaxaa kalo0 halkaasi ka hadlay Sheekh xasan oo ka mid ah Qurbajoogta Australia oo Qeybweyn ka Qaatay Taageero lacageed oo lagu bixin in degmada Yaxoob ay Qurbajoogta Degmada in ay soo dhisaan Xaruun Caafimaad iyo Xaruun waxbarasho oo sheekh Xasan oo ka mid ahaa Qurbajoogtii Australia ugu horeeyay ee Bixiya $1000 doolar oo lacag ah ugu deeqay degmada isla markaana ka Qeybqaatay Abaabulka.

yaxoob15ugu dambeyntii Shacbaka degmada ayaa soo dhaweeyay Qurbajoogta waxeyna ka codsadeen in ay soo dhistaan degmada kulankaasi ayaa ku soo gabagaboobay guul iyo farxad

 

 

Comments are closed