Dowlada Ruushka ayaa xaqiijisay in markii ugu horeysay ay diyaaradaheeda Militariga adeegsadeen Airport militari oo ku yaal IRAN si ay markaasi u duqeeyaan qeybo kamid ah wadanka Siiriya.
Kooxaha Nusra Front iyo mucaaridka kale ee hubeysan ayaa todobaadkii lasoo dhaafay ku guuleystay in ay ciidamada dowlada Bashar ay dib uga riixaan goobo muhiim ah oo kamid ah magaalada labaad ee Aleppo oo dhawaan ay ciidamada Dowlada Siiriya ay go’adoon geliyeen.
Xoogaga mucaaridka ayaa sidoo kale dar-dargeliyey saaray weerarada ay la beegsanayaan gobalka xeebta saaran ee Latakiya oo ku yaal galbeedka Siirya, halkaasi oo ay ku yaalaan airportyada militari oo uu Ruushka adeegsan jiray iyo waliba saldhiyada ciidamada Bada ee Ruushka.
Comments are closed