Sareeye Guuto Maxamed Cali Samatar oo Maraykanka ku geeriyoodey

samaratMareykanka (NogobNews) 20/07/2016

Rabbi ha u naxariistee waxaa habeenkii xalay xiliga Soomaaliya ku geeriyoodey dalka Maraykanka Sareeye Guuto Maxamed Cali Samantar oo xilal kala geddisan ka soo qabtey Dowladdii Soomaaliya.

 

Gen. Samanter ayaa muddooyinkii danbe ku xanuunsanaa gobolka Virginia ee cariga Maraykanka halkaas oo la dhigey Isbitaal ku yaala oo ugu danbeyn ku geeriyoodey.

Maxamed Cali Samantar ayaa ka mid ahaa saraakiishii sida casriga ah wax loo soo barey sanadkii 1954 ayuu galay kulliyadda “Cessino Di Roma” ee dalka Talyaaniga isla markaana uu waxbarashadii loo diray soo dhammeystay sanadkii 1956dii, markaas oo uu qaatay xiddigtii ugu horreysay, waxaana uu dalal badan u tegey waxbarasho la xiriirta dhanka Mileteriga.

Sareeyo Guuto Maxamed Cali ayaa soo noqdey Madaxweyne ku-xigeenkii u horeeyey ee Soomaaliya, sidoo kale waxa uu noqdey, Raysalwasaare iyo Wasiirkii gaashaandhigga ee Dowladdii Milteriga ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, waxaana uu ahaa qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah e gaara deajada Sareeye Guuto.

Maxamed Cali Samantar ayaa la sheegayaa in da’diisu ay gaareyso 85 sano, waxaana uu ku dhashey gobolka Jubada Hoose, sanadkii 1931. Rabbi ha u naxariistee waxa uu ifaka uga tegay 39 oo isugu jira caruurtiisi iyo kuwo ay sii dhaleen, waxaa ugu magac dheere Sahra Maxamed Cali oo ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tacsi gaar ah ka direy, waxaana lagu wadaa in aas Qaran loogu sameeyo magaalada Muqdisho maalmaha soo socda.

Comments are closed