10-Qof dhimasho Qarax ka dhacay Turkiga

2016821636073389170219157STR PhotoTurkiga (NogobNews) 21/07/2016

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay meel ay joogeen dad doonayay inay aroos ka qeyb qaataan dalka Turkiga.

Ilaa 30 qof ayaa ugu yaraan ku naf waayay markii qofka naftii halligga ahi isku qarxiyay magaalada Gaziantep ee dhanka koofur-galbeed ee dalkaasi Turkiga. Ciidamada ammaanka ayaa xaqiijiyay in sidoo kale in kabadan 90 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Mehmet Simsek oo ah ku xigeenka raisul wasaaraha dalkaa ayaa ku tilmaamay weerarkaa mid fuleynimo ah.

Durba waxaa jira warar sheegaya in Daacish laga yaabo inay ka dambeysay weerarkaa ismiidaaminta ahaa.

Dhawaan ayaa sida meelo kale oo caalamka ah waxaa TURKIGA kusoo batay weerarada rasaasta iyo qaraxyada loo adeegsado ayadoo inta badan dadka ku waxyeelooba ay yihiin dadka rayidka ah.

 

Comments are closed