John Kerry iyo Kenyatta ayaa lagu wadaa maalinta beri ah inay shir ku qabtaan madaxtooyada ayagoo la filaayo inay ka wada hadlaan arimaha ammaanka ee gobolka iyo doorashada sanadka soo socda ka dhici doonta Kenya.
Sidoo kale ayaa waxaa lagu wadaa in Kerry uu la kulmo Waziirada Kenya u Qaabilsan Arimaha Dibada Aaamina Maxamed iyo waziiro kale oo dawlada Kenya ka tirsan.
Arimaha la lafo guri doono ayaa waxaa kujira colaadaha hareeyay dalka curdanka ah ee Koofurta Suudaan iyo kala guurka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.
War saxaafadeed ay soo saartay haweeneyda ah Kaaliyaha Xog-hayaha Amuuraha Afrika ee Mareykanka Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegay in Kerry uu booqasho ku kala bixin doonto Kenya iyo Nigeria min Agoosto 21 ilaa 28.
Waxaa kaloo lagu sheegay war murtiyeedkaa in Kerry uu la kulmi doono dhallinyaro Afrikaan ah oo ah hoggaamiyeyaal soo koraya.
Inkastoo aanan weli la caddeyn waxyaabaha kale ee lagu soo qaadi karo wada hadalada waxaa ku jira xiritaanka la hadal hayo ee xeryaha Dhadhaab iyo sidii AMISOM looga dhigi lahaa ciidamo hoos taga QM.
– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/Aug/wararka_maanta21-107261.htm#sthash.G7GmUtho.dpuf
Comments are closed