Casho-sharaf Loo Sameeyay Waftiga Ka Soo Qaybgalay Kulan Waynaha 1aad ee adeega caafimaadka

1Jigjiga (ESTV) 22/07/2016

Waxaa munaasabad casho-sharaf ah oo si qurux badan loo soo diyaariyay loogu sameeyay barxada wayn ee  qaryaan dhoodaan. Waftiga ka soo qaybgalay kulan waynaha 1aad ee daraasaadka iyo qiimaynta cudura la dayacay ee ka dhasha kulaylaha.

2Munasabadan casho-sharafta ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI oo ay ka mid tahay madaxwayne ku xigeenka  DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo sucaad axmed faarax shaqaalaha  xafiisyada heer deegaan iyo marti sharaftan lagu maamuusay xafladan casho sharafta ah.

3Waxaana habeenkii xalay ahaa banaanka wayn ee guriga martida qaryaan dhoodaan ay kooxaha fanka iyo suugaanta deegaanku si qurux badan  uga tumeen dhaantooyinkii hidaha iyo dhaqanka ee uu deegaanku caanka ku ahaa oo runtii si wayn u soo jiidatay martidii loo sameeyay munaasabada.

4Waxaana ka hadashay munaasabadan casho-sharafta ah madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo si diiran ugu soo dhawyasay waftigan caasimada DDSI ee jigjiga waxayna sheegtay madaxwayne ku xigeenka in ay xukuumada DDSI si fiican u soo dhawaynayso kulan waynahan 1aad  ee ka dhacaya caasimada DDSI.

 

5Dhankooda masuuliyiinta ka socday wasaarada caafimaadka ee JDFI iyo hay’adaha caalamiga ah oo qaarkood ay ka  hadleen  munaasabadan casho-sharafta ah ayaa sheegay in ay siwayn ugu faraxsan yihiin soo dhawayntan balaadhan ee ay xukuumada DDSI u samaysay.

Comments are closed