Madaxweynaha Jubbaland oo qado sharaf u sameeyey Xulka kubadda cagta ee Jubbaland

jubbalandKismaayo (NogobNews) 22/07/2016

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa uu qado sharaf u sameeyay Ciyaartooyda Xulka Jubbaland ee ka qayb galay Ciyaarahii Dowlad Goboleedyada ee dhawaan ka qab soomay Magaalada Muqdisho.

Qado Sharaftan waxaa kale oo goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka labaad Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Wasiirka Dhalinyarada iyo xiriirka kubadda cagta ee Jubbaland iyo Ciyaartooydii kasoo qayb gashay tartankii lagu soo gunaanaday Magaalada Muqdisho.

kadib Qado Sharafta Madaxweynahu waxaa uu ka hadlay sida ay Xukuumadu diyaarka ugu tahay in la dhiiri galiyo Ciyaaraha waxaana uu Xulka Jubbaland ku wareejiyay guri Cusub oo Xulku uu yeelanayo waxaana uu balan qaaday baabuur ay yeelan doonan Ciyaartooyda Xulka iyo gudiga Garsoorka isagoo hoosta ka xariiqay in ay Dowladu dhisayso garoon Weyn oo Caalami ah kaas oo laga hirgalinayo duleedka Magaalada Kismaayo.

“Ciyaaraha aad baan ugu dadaali doona gaar ahaan kubada cagta oo aan wax badan ka qaban doono waxaana hada aan wadnaa in aan garoon weyn ka dhisno duleedka Magaalada oo qaab casri ah oo dunida la jaanqaadi karta loo dhisi doono” ayuu yiri Madaxweynahu

Sidoo kale Madaxweynahu waxaa uu sheegay in ay Xukuumadu bixin doonto kharashka ku baxaya dhismaha qoys cusub oo uu yagleelayo mid kamid ah Ciyaartooyda Xulka oo gabar kasoo guursaday Magaalada Muqdisho.

“Hadaan koobkii weynay oo aan gabar soo helnay waan guulaysanay waxaana aan ka qayb qaadanaynaa dhismaha qoyskan cusub” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Jubbaland.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu hoosta ka xariiqay in uu abaal marin gudoonsiin doono Xulka waxaana uu sheegay in wacdaradii ay ka dhigeen Muqdisho ay cadayn u tahay sida ay wali u jirto haybadii Kubada Cagta ee Gobolku uu caanka ku ahaa oo uu hoosta ka xariiqay in ay sii bari gantaali doonaan.

Comments are closed