Ugaas C/llaahi Ciise Nuur oo Aas aad u ballaadhan loogu sameeyay Deegaanka Boocame

UGAASBoocame (NogobNews) 22/07/2016

Aas weyn ayaa loogu sameeyay Allaha u naxariistee Ugaas C/laahi Ciise Nuur Degmada Boocame oo 75-km Bari kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Allaha u naxariistii Ugaaska oo ku geeriyooday dalka Turkiga ayaa maydkiisa laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Puntland, kaddib markii lasoo mariyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Aaska Ugaaska, ayaa waxaa ka qayb-galay wufuud kala duwan oo ka kala timid deegaannada looga hadlo Afka Soomaaliga oo u badnaa madax-dhaqameed, siyaasiyiin culumama’uddiin, waxgarad iyo dadweyne ayaa waxaa uu noqday Aaskii ugu ballaarnaa ee ka dhaca guud ahaan Gobolka Sool.

Sidoo kale, Salaadda Jinaasada, kaddib waxaa halkaas lagu qabtay kulan tacsiyeed ay ka hadleen madaxdii isugu timid Aaska, waxaana ugu horreyn hadlay xubno ka mid ah ehellada Ugaaska iyo Guddiga Qaban-qaabada Aaska oo ka mahad-celiyey masaafada dheer ee loosoo maray ka qayb-galka Aaska,  iyagoo ka cudur-daartay wixii dhaliil ah ee la tabto inaysan ku talo-gal ahayn.

Madax-dhaqankii Aaska ka hadlay waxaa u horreeyay, Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka warbixiyay Ugaaska iyo mudadii ay soo wada-shaqaynayeen, wuxuuna ka dalbaday inay samir yeeshaan ehellada iyo bulshadii uu ka baxay.

Waxaa kaloo xubnihii Aaska ka hadlay ka mid ahaa, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Ugaas Maxamuud Ugaas Maxamed, Suldaan Maxamuud Guule, kuwaas oo ka kala socday; Puntland, Somaliland iyo Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya, iyagoo Dhamaantood tacsi u jeediyay ehelldii iyo bulshadii uu madax-dhaqameedka u ahaa.

Madaxwene ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Cumar Cameey, Madaxwene ku xigeenka Khaatumo, Cabdalla Caga-lule iyo wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland – ayaa iyaguna ka Tacsiyeeyay Geerida Ugaaska.

Dhanka kale, Waxaa halkaas hadallo Qiiro leh kasoo jeediyay Aaska Ugaaska Boqor Burbaan Boqor Muuse oo ku baaqay dadku inaanay isku illaabin Addunyada, Samir Qaadashadana kula dar-daarmay.

Ugu dambeyn, Alle naxariistee Ugaas C/laahi Ciise ayaa ahaa nin aad looga jecel yahay gobolka Sool, waxaana si aad ah loogu ammaani jirey deg-dega uu ku tegi jiray meelaha dhibaatooyinku ka dhacaan, isla markaana uu adkaysi u lahaa wax walba oo soo gaara.

 

Comments are closed