Soomaali sideed sano jir ah oo qarax lagu diley dalka Sweden

swedenSweden (NogobNews) 23/07/2016

Dilka wiilkan yar ayaa yimid kadib markii guriga u joogey lagu soo tuurey bom gacmeed kaas oo ku qarxay guriga gudihiisa.

Markii Booliska iyo kooxda gar-gaarka deg-dega ah ay soo gaareen guriga ayey heleen wiil yar oo ku dhaawacmey qaraxa, waxaana loo qaadey isbitaalka halkaas oo uu markii danbe ku geeriyoodey sida uu warbaahinta u sheegay Thomas Fuxborg oo ka tirsan Booliska gobolka Goteborg. Qaraxa waxaa ku dhaawacmey laba qof oo kale oo dhaawacoodu yahay mid fudud.

Ugu yaraan shan carruur ah iyo weliba dhowr qof oo qan-gaar ah ayaa ku sugnaa guriga qaraxa lagu weeraray.

yusuf

YUSUF Warsame – sawirka Aftonbladet

Wiilka geeriyoodey ayaa lagu magacaabaa Yusuf Warsame waxa uu ka yimid magaalada Birmingham ee dalka Ingriiska isaga oo la socdey Hooyadiis Deeqa Cali Biixi fasaxna ay ku jogeen magaalada Goteborg sida u qorey Joornaalka GP, Wiilka ayaa asalkiisu yahay Soomaali waxaana uu ku dhashey dalka Ingriiska.

Boliska ayaa tuhmaya in werrerka uu salka ku hayo aargudasho. Guriga qarax lagu weeraray waxaa deganaa qoyska uu ka soo jeedo mid ka mid ah dhallinyaro dhawaan xabsiyo dhaadheer lagu xukumay kuwas oo horey ugu geystey weerar ay labo qof ku nafwaayeen maqaaxi ku taala xaafadda Hinsinge isla Goteborg, weerarkas oo dhacay mudo hada laga joogo sannad iyo bar.

Comments are closed