Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmey Madaxa hay’adda UNDP Helen Clark

muqdisho1Muqdisho (NogobNews) 24/07/2016

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxa Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Helen Clark, oo booqasho ku joogta dalka.

 

Madaxweynaha iyo madaxa UNDP waxay ka wadahadleen barnaamijyada horumarinta ee dalka ka socda ee qeybta ka ah mashaariicda dib u soo kabashada Soomaaliya, arrimaha dhalinyarada, shaqo abuurka iyo sameynta xarumo dhalinyarada ay ka bartaan xirfadaha kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka kadib sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, muhimadda kowaad ay siineyso baahinta adeegyada aasaasiga ee bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha , horumarinta xirfadaha dhalinyarada iyo nabadgelyada, loona baahan yahay in laga taageero .

“Waxyaabaha muhiimadda inoo leh waxaa ka mid ah inaan dhalinyarada siino fursado ay ku bartaan xirfado ay ku shaqeystaan, dhaqaalena ay ku sameysan karaan. Dagaalka aan kula jirno argagixisada Al Shabaab oo maraya marxalad gebagabo ah, ayaa waxaa lagama maarmaan ah inay barbar socdaan barnaamijyada dhaqan celinta, baahinta adeegyada aasaasiga ee dadku u baahan yihiin iyo in la jiheeyo dhalinyarada’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo wafdiga ay ka wadahadleen arrimaha qabanqaabada doorashooyinka, qoondada haweenka ay ku leeyihiin goleyaasha qaranka iyo in la sii wado taageerada barnaamijyada horumarinta ee Soomaaliya.

Helen Clark, Madaxa UNDP ayaa sheegtay in ay sii wadayaan taageerada ay Soomaaliya siiyaan, isla markaana ay muhimad siinayaan xaaladda kala guurka ah iyo sidii Soomaliya looga taageeri lahaa arrimaha bini’aadanimada.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Comments are closed