18 qof oo lagu diley dagaalo ka dhacay gobolka Bakool

xudurXudur (NogobNews) 24/07/2016

Inta la ogyahay 18 qof ayaa ku geeriyoodey dagaalo ka dhacay gobolka Bakool. Dagaalada ayaa u dhexeeyey Malayshiyaadka al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Dagaalada ayaa ka dhacay halka la yiraahdo Moora-gaabey oo wax yar u jirta degmada Xuddur ee Gobolka Bakool. Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Calain ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Mileteriga ay ka geeriyoodeen sideed askeri, dhanka al-Shabaab ayuu sheegeyn in ay arkeen 10 meyd ah. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamadu wadaan hawlgalo al-Shabaab ka dhan ah.

Dhanka al-Shabaab ayaa dagaalka guulo ka sheegtey ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Macalim Geedoow oo al-Shabaab u qaabilsan Bay iyo Bakool ayaa sheegtey in ay ciidanka Dowladda ka dileen 15 askeri, mar uu la hadley Raadiyaha ku hadla afka al-Shabaab.

Comments are closed