Daawo USA: Obama oo markii ugu horeysay booqday gobalka Fatahaada ka dhacday ee Louisiana – VIDEO

US President Barack Obama speaks after touring a flood-affected area in Baton Rouge, Louisiana, on August 23, 2016. / AFP PHOTO / NICHOLAS KAMM

US President Barack Obama speaks after touring a flood-affected area in Baton Rouge, Louisiana, on August 23, 2016. / AFP PHOTO / NICHOLAS KAMM

Mareykanka (NogobNews) 24/07/2016

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa markii ugu horeysay booqasho ku tagay gobalka Louisiana oo todobaadyadii lasoo dhaafay si weyn u sameeyey fatahaada biyaha oo ay ku baro kaceen kumanaan Qoysas ah.

 

Obama ayaa waxaa horey loogu dhaliilay inuu dib u dhigay booqashada deegaanada ay fatahaada ka dhacday.

Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa isagu maalmo hore booqasho ku tagay gobalkaasi isagoo sheegay inuu halkaasi geeyey gargaar, wuxuuna ku dhaliilay Obama inuu ku maqan yahay Fasax xili laga rabay inuu booqdo goobaha ay ka dhaceen musiibadan.

Trump-fatahaad-Loussiana

Madaxtooyada Maraykanka ee Aqalka Cad ayaa iyagu dhankooda sheegay in Madaxweynaha booqashadiisa dib u dhacday maadaama uu wakhti siinayey hawlaha gurmadka ah ee halkaasi kasocda si booqashadiisa u saameyn hawlgalka ay wadaan ciidamada gurmadka.

Comments are closed