Daawo Nigeria: John Kerry oo dowlada kala hadlay la dagaalanka Boko Xaram

nigeraiNigeria (NogobNews) 24/07/2016

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry oo booqasho ku maraya qaar kamid ah dalalka Afrika ayaa gaaray wadanka Nigeria.

 

John Kerry ayaa arrimaha uu dowlada Nigeria kala hadlayo waxa ugu muhiimsan la dagaalanka kooxda Xagjirka ah ee Boko Xaram oo khal khal ku keentay amniga dalalka galbeedka Afrika.

Kerry ayaa sheegay in la dagaalanka Boko Xaram aysan ahayn in lagu soo koobo dagaal iyo xal militari, balse loo baahan yahay in fursado iyo nolol wanaagsan lasiiyo dhalinyarada careysan ee kooxdaasi ku biireysa.

Wafdiga ka socda Maraykanka ee uu hogaaminayo Kerry ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Nigeria kulamo la yeeshay Boqorada iyo Hogaamiya dhaqameedka Qawmiyadaha dalkaasi kuwada nool.

Kerry-Nigeria-Dhaqanka

Dowlada Maraykanka ayaa taageero dhanka saadka iyo xogta ah siisa ciidamada dowlada Nigeria oo bilihii lasoo dhaafay ku guuleystay in maleeshiyaadka Boko Xaram ka saaraan magaalooyinkii ay horey u qabsadeen, balse kooxdaasi ayaa sii wada weerarada iyo waliba afduubka ay ka geystaan waqooyiga dalkaasi.

Comments are closed