Bashir Ciise: Bangiga Dhexe waxaa laga xaday 530,000 USD!.

muqdishoMuqdisho (NogobNews) 25/07/2016

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Cali Ciise, ayaa sheegay in Bangiga Dhexe ee Soomaaliya laga xaday lacag dhan Shan boqol iyo Soddon Kun oo Doollarka Maraykanka ah, $ 530,000.

 

Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in ay garanayaan qofka ka danbeeyey arrintaas oo uu ahaa mid kamid ah khasnajiyadda bangiga oo lagu magacaabo Muxiyadiin Maxamed Xasan (Muxiyadiin Santooni), Ninkan ayaa lacag been abuur ah ku soox ereynaayey banigaga waxaana uu la baxaayey kacagta rasmiga ah.

Guddoomiyaha oo saxaafadda la ahdley ayaa sheegay in aysan ogeyn in cid kale ku wehelisey ama u fududeysey nidaamka uu wax ku dhacay, haatana ay socoto baaritaan.

“….Wax isdaba marsiin ayaa la sammeeyay, lacagtii Khasnadda ku jirta ayaa si burcadnimo ah loogu badalay lacag doollar been abuur ah, markiiba baaris ayaan galinay waxaana arrinta ku wargelina laamaha Ammaanka sida Waaxda Dembi Baarista CID, iyo Hay’adda nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA, oo shaqalaha wareysiyo la sameeyay, intii baarista socotayna waxaa baxsaday Khasnajigi Bankiga….”ayuu yiri Guddoomiyaha bangiga dhexe Bashiir Cali Ciise.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh uu soo saarey baaq sheegaya in la ilaaliyo hantida dadweynaha. Markasta oo isbeddel soo dhawaado ayey dhacdaa in siyaabo kala geddisan loo boobo hantida Dowladda Soomaaliya.

Comments are closed