Heshiis taarikhi ah oo dhex-marey Colombia iyo Jamhadda Farc

colomiaColomia (NogobNews) 25/07/2016

Xukuumadda Colombia iyo Jamhadda Farc ayaa caasimadda dalka Kuba ee Havana ku kala saxiixdey heshiis taariikhi ah, kaas oo wada hadalkiisu socdey muddo afar sano ah.

 

Heshiiska ayaa macnihiisu yahay in la soo afjaro dagaaladii ugu mudada dheeraa adduunka kaas oo socdey in ka badan 50 sano.

Kadib wada hadal qaatey muddo afar sano ah oo u dhexeeyey Xukuumadda Colombia iyo Jamhadda Maarkisiyiinta ee Farc ayaa habeenimadii xalay qalinka lagu duugey heshiis rasmi ah. Dagaalada iyo muranka siyaasadeed ee labada dhinac ayaa soo jitamaayey tan iyo sanadkii 1964.

– Maantey waxaan ku dhawaaqi karaa in aan buuxiyey awoodii shacabku i siiyeen, ayuu yiri Madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos, kadib markii uu saxiixey heshiiska.

Madaxweyne Santos ayaa markii labaad xilka loo doortey sanadkii 2014, waxaana uu ballan qaadey in uu Colombia nabad ku soo dabaali doono.

– Wada hadalada nabadda waxaan dhamaantaya wada aarney guul, nabad Colombia ka dhacda, sidaas waxaa yiri ergayga Farc u qaybsanaa wada hadalka Rodrigo Granda.

– Ma jiro dhinac guuleystey ama khasaarey. Colombia ayaa guuleysatey, nabadda ayaa guuleysatey, dhimashada ayaa khasaartey ayuu yiri Granda.

Heshiiska la gaarey ayaan faah-faahin dheeraad ah laga bixin, waxaase ku jiro qaybo u baahan in afti dadweyne loo qaado, kaas oo muqata in wax laga beddelaayo dastuurka dalkaas.

Heshiiska waxaa kamid ah qiyaastii 6000 ilaa 7000 oo kamid ah dagaalyahanada jamhadda Farc in ay heli doonaan taageero, si ay bulshada u dhexgalaan. Sidoo kale heshiiska waxaa kamid ah qaaraamid iyo maalgelin lagu samaynaayo dhulka Jamhadda kaas oo aan muddo dheer aan helin wax hormar ah.

Muddooyinkii danbe Jamhadda Farc ayaa khasaarooyin lixaad leh la kulantey, waxaana ay noqdeen kuwo u baxsada kaymaha waaweyn iyo dhulka Jungelka ah, sidoo kale waxaa heshiiskan soo dedejiyey Madaxweynaha Colombia Santos oo ka duwan kii isaga ka horeeyey waxaana uu fursad siiyey nabadda, kadib markii uu jilciyey Maarkisiyiinta Farc.

Comments are closed