Daawo Doorashada USA: Donald Trump oo isbedal ku sameeyey qorshihiisii dadka Soogalootiga – VIDEO

mareykankaMareykanka (NogobNews) 25/07/2016

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump oo horey u sheegay inuu tarxiili doono dadka sharci darada ku jooga dalka Maraykanka ayaa ka dhawaajiyey inuu wax ka bedali doono qorshihiisii ka dhanka ahaa dadka soogalootiga.

 

Waa isbedalkii ugu weynaa ee ku yimaada siyaasada Donald Trump tan iyo markii uu murashaxnimadiisa shaaciyey sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo si weyn loo xasuusto aflagaadada uu u geystay dadka soogalootiga ah gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Mexico oo uu ku tilmaamay kuwo dadka kufsada iyo burcad.

Trump-Soogalootiga2

Isbedalka siyaasadeed ee Trump sameeyey ayaa kusoo beegantay xili la saadaalinayo in murashaxaasi uu si weyn uga hooseeyo cododka uu heli doono doorashada marka lala barbardhigo Murashaxada Hillar Clinton ee xisbiga Dimuquraadiga oo hada si weyn ugu horeysa cododka kadib markii xog arurin laga sameeyey gobalada dalkaasi.

Trump ayaa taageero xoogleh ku kasbaday siyaasadiisa ka dhanka ah dadka soogalootiga, isla markaana uga guuleystay murashaxiintii kale ee xisbigiisa Jamhuuriga, wuxuuna sidoo kale taageero ka helay ururada cunsuriyiinta lagu tilmaamo ee sida weyn uga soo horjeeda dadka laga tiro badan yahay. Hase yeeshee taageeradan ayaan ahayn mid ku filan oo uu ku guuleysan karo doorashada Madaxweynaha.

Macada in isbedalka uu ku sameeyey siyaasadiisa ay dhaawac ku keeni doonto taageeradiisii hore balse waxaa muuqata in murashaxan uu si weyn hada dadaal ugu jiro inuu codod ka helo dadyowgii uu horey u aflagaadeeyey xili ay labo bil ka harsan tahay doorashada.

Comments are closed