Daawo Turkiga oo la wareegay magaalada Jarablus ee waqooyiga Siiriya – VIDEO

buuTurkiga (NogobNews) 25/07/2016

Ciidamada Militariga Turkiga oo shalay gudaha u galay wadanka ay jaarka yihiin ee Siiriya ayaa gebi ahaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Jarablus oo ay horey u heysteen kooxda Daacish (ISIS).

 

Ciidamada Turkiga oo watay gaadiidka dagaalka iyo Taangiyo ayey hawlgalkooda ku wehliyeen maleeshiyaadka kooxaha mucaaridka Siiriya ee la dagaalamaya ISIS iyo waliba xukuumada Bashar Al Assad.

Magaalada Jarablus ayey kooxda Daacish qabsatay muddo hada laga joogo labo sano, waxayna magaalada u dhawdahay xaduuda Turkiga, ISIS ayaa u adeegsan jirtay magaalada dadkeeda isaga kala gooshi jiray wadanka Turkiga iyo Siiriya.

Hawlgalka Turkiga ayaa lagu soo beegay xili Xukuumada Ankara ay shaacisay inay xaduudeeda ka sifeyn doonto kooxaha Daacish iyo kuwa Kurdida ee YPG/PKK. Sabtidii lasoo dhaafay ayaa weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay koonfurta Turkiga lagu dilay ugu yaraan 15 qof oo ku sugnaa xaflad Aroos, weerarkaasi oo ay dowlada Turkiga ku eedaysay Daacish.

Dhinaca kale Turkiga ayaa doonaya inuu ka hortago in Maleeshiyaadka Kurdida YPG oo iyagu taageero ka hela Maraykanka in ay la wareegaan magaalada Jarablus taasi oo u sahli doonta Kurdida inay mideeyaan goobaha ay doonayaan inay ka taliyaan ee Waqooyiga Siiriya oo ay kurdida damacsan tahay inay ka dhistaan ismaamul u gaar ah.

Comments are closed