Kulan-waynihii 1aad Ee Daraasaadka Iyo Qiimaynta Cudurada Dayacan Oo La Soo Gabagabeeyay.

1Jigjiga (NogobNews) 26/07/20176

Waxaa maanta xaruta deegaanka ee jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan lagu soo gabagabeeyay kulan waynihii 1aad ee daraasaadka iyo qiimaynta cudurada la  dayacan/ la dhayalsaday

2Kulan-waynahan oo socday muddo 5 maal-mood ah, ayaa  Waxa  ka hadlay xafladii xidhitaankawasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ugu horayntii u mahad celiyay martida ka soo qaybgashay shirkan sida fiican ee ay uga qayb qaateen mudadii uu socday kulanku. Wasiirka ayaa sheegay in qorshayaasha laysla qaatay ee ka soo baxay kulanwaynaha ay yihiin kuwa lagu cidhibtiri-doona cudurada dayacan ee kulaylaha ka dhasha kuwaasi oo aan wakhtiyadii hore la siin  muhiimad lagula  dagaalamo. Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay dadaal balaadhan galisay la dagaalanka cudurada dayacan guulo wayna  ka soo hoysay.

 

3Kulan waynahan oo ay ka soo qaybgaleen qaarka mid ah masuuliyiinta wasaarada caafimaadka JDFI, xafiisyada caafimaadka deegaanada dalka iyo 2 ismaamul magaalo, jaamacadaha dalka, ha’yadaha caalamiga ah iyo wakiilo ka socday  qaarka mid ah wadamada aan dariska nahay. Ayaa waxa intii uu socay  lagu soo bandhigay daraasaad, dood-milciyeed iyo qiimayn lagu sameeyay sidii loo tir tirilahaa cuduradan dayacan ee kulaylaha ka dhasha ee ay ka midka yihiin’Duumada/malaariyada, bakoorada iyo kaadidhiiga. Waxaana ka soo baxay go’aano iyo qorshayaal lagu  cidhib tirayo  cuduradaasi, kuwaasi oo ay sal u tahay  iska kaashiga hay’adaha dawlada, kuwa aan dawliga ahayn iyo jaamacadaha dalka.

Comments are closed