Tartanka Ciyaaraha Kala Duwan Ee Dalka Oo Ka Furmay Hawaasa.

hawaasaHawaasa (NogobNews) 27/07/2016

Waxaa ka furmay garoonka ciyaaraha ee  magaalada hawaasa  caasimada deegaanka shucuubta koonfureed tartanka ciyaaraha kala duwan ee dalka.

Tartanka ciyaaraha  kala duwan oo loo qabtay  ciyaartoyga dhalinyarada  dhamaan deegaanada dalka iyo 2 ismaamul magaalo ayaa  waxaa xafladii furitaanka ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socoday wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada JDFI oo uu ka mid yahaywasiiru dawlaha wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada mudane Adhiisu iyo madaxda xafiisyada ciyaaraha iyo dhalinyarada deegaanada dalka.

Haddaba tartanka ciyaaraha kala duwan ee dalka ayaa waxa kooxaha uga qaybgalaysa DDSI hogaaminayay wasiir ku xigeenka ciyaaraha iyo dhalinyarada DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan oo Warbaahinta DDSI u sheegay ahmiyada uu leeyahay tartankan ciyaaraha kala duwan kaasi oo sheegay  in tartankan ciyaaraha kala duwan yahay mid sii xoojinaya wada shaqaynta, is dhexgalka iyo is jacaylka dhalinyarada deegaanada dalka islamarkaana uu yahay tartan  kor loogu qaadayo tayada ciyaaraha kala duwan ee dalka.

 

Comments are closed