Magaalada Daraya oo ku taal koonfurta caasimada Dimishiq ayey ciidamada dowlada Bashar Al Assad go’adoon geliyeen muddo 4 sano ah.
Magaalada Daraya ayaa ahayd magaalada ugu dhaw caasimada Dimishiq oo ku jirta gacanta xoogaga mucaaridka, arrintaasi oo keentay in dowlada Bashar Al Assad ay culeys xoogleh saarto maleeshiyaadka halkaasi ku sugnaa, heshiiska dhexmaray xoogaga isdhiibay iyo dowlada ayaa waxaa cambaareeyey ururada kale ee mucaaridka Siiriya oo arrintan ku tilmaamay mid dhabar jab ku ah qorshahooda ay doonayeen inay mustaqbalka weerar ku qaadaan bartamaha Dimishiq iyo Madaxtooyada Bashar Al Assad.
Dhamaan maleeshiyaadkii hubeysnaa ee magaalada ku sugnaa ayaa ogolaaday inay hubka dhigaan kadibna loo qaado gobalka Idlib ee waqooyiga wadankaasi Siiriya, waxaa sidoo kala magaalada gebi ahaan laga daad-gureeyey dhamaan shacabkii halkaasi ku sugnaa oo ay lasoo gudboonaatay macaluul xiligii ay ku jireen go’adoonka.
Kumanaan dadka rayidka ah ayaa lagu qaaday gawaari basas ah, waxaana la sheegay in intooda badan la geyn doono qeybo kamid ah caasimada Dimishiq waxaana jira dad walaac ka muujinaya in shacabka ay dhibaato kala kulmi doonaan dowlada Bashar Al Assad
Comments are closed