4-Qof oo ku dhimatay dagaal markale ka dhacay magaalada Beledxaawo

BALAD-XAAWOBaladxaawo (NogobNews) 29/08/2016

Dagaal xoogan ayaa la sheegayaa in uu ka qarxay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac

Afar qof ayaa ku dhimatay 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaalka, waxa uuna u dhexeeyey ciidamo taabacsan wasiirka aminiga maamulka Jubbaland-Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleed hubeysan.

Iska hor’imaadka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Jubbaland ay weerareen guri ay isku urursanayeen maleeshiyo deegaanka ah, kuwaasi oo diidanaa maamulka dhawaan loo soo magacaabay  degmada Beledxaawo.

Afarta qof ee dhimatay ayaa ka mid ahaa dhinacyadii uu dagaalka dhexmaray, ayadoo dadka dhaawacmay ay ku jireen dad rayid ah sida warbaahinta ay u sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib is qab-qabsi iyo muran ka dhashay isbadal lagu sameeyay maamulkii degmada Beledxaawo,kaasi oo uu wado maamulka Jubbaland.

Shalay ayey ahayd markii qarax xoogan uu ka dhacay gudaha degmada Beledxaawo, kaasi oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa kacsan xaaladda magaalada Beledxaawo, iyadoo uu hakad galay ganacsiga, isu socodka dadka, gaadiidka iyo waxbarashada.

Comments are closed