Daawo Libya: Daacish oo maleeshiyaad badan ku dishay dagaalka Sirte – VIDEO

Members of Libyan forces allied with the UN-backed government fire a weapon towards Islamic State militants in neighbourhood Number One in central Sirte, Libya August 28, 2016. REUTERS/Ismail Zitouny

Members of Libyan forces allied with the UN-backed government fire a weapon towards Islamic State militants in neighbourhood Number One in central Sirte, Libya August 28, 2016. REUTERS/Ismail Zitouny

Libiya (NogobNews) 29/08/2016

Dagaalka ka socda magaalada Sirte ee dalka Liibiya ee u dhaxeeya Daacish iyo Maleeshiyaadka Dowlada taageersan ayaa hada galay heer gebo gebo ah.

 

Magaalada Sirte ayey sadexdii bilood ee lasoo dhaafay uu ka socdaa dagaal xoogleh oo ay xoogaga dowlada Liibiya taageersan ay ku doonayaan inay magaaladaasi uga saaraan maleeshiyaadka ISIS oo gacanta ku hayey.

Daacish ayaa horey looga saaray xaruntoodii magaalada Sirte, balse maleeshiyaadka kooxdan ayaa weli ka dagaalamaya labo xaafadood oo ku yaal magaaladaasi. Dagaalka ugu danbeeyey Axadii shalay ayaa la sheegay in ka badan 30 laga dilay ciidamada taageersan Dowlada.

Saraakiisha ciidamada la dagaalamaya Daacish ayaa sheegay in maleeshiyaadka ISIS ay kusoo qaadeen weeraro badan oo ismiidaamin ah taasina keentay khasaaraha badan. Hase yeeshee saraakiisha ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in wakhti kooban kadib ay magaalada gebi ahaan ka sifeyn doonaan xoogaga Daacish ee weli dagaalamaya.

Comments are closed